Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii sheegtay inay “si rasmi ah u soo gabagabeysay” howlgalkii milatari ee ka dhanka ahaa kooxaha xagjirka ah ee Ciraaq, kadib markii ciidamadeeda ay ka baxeen saldhigga diyaaradaha ee Erbil, oo ku yaalla gobolka Kurdistan ee waqooyiga dalkaasi.

Kadib in ka badan toban sano oo hawlgallo socday, isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ayaa sheegay inuu soo afjarayo howlgalkii uu ka waday Ciraaq iyo Suuriya ee lagula dagaallamayay kooxda ISIS.
Kooxda ISIS ayaa mar gacanta ku dhigtay dhul ballaaran oo ku yaalla labada dal, waxayna geysatay xasuuqyo iyo tacaddiyo badan. Kooxda ayaa Ciraaq looga adkaaday sannadkii 2017, halka Suuriya looga adkaaday 2019. Si kastaba, ciidamada isbahaysiga ayaa sii joogay gobolka si ay ula dagaallamaan xubnihii iyo shabakado ka hadhay kooxda.
“Maanta, Mareykanka iyo saaxiibbada isbahaysigeenna waxay si rasmi ah u soo gabagabeeyeen Howlgalka Inherent Resolve ee Ciraaq, iyadoo la waafajinayo bayaankii wadajirka ahaa ee Mareykanka iyo Ciraaq ee Sebtembar 2024 iyo danaha qaranka Mareykanka,” ayuu qoraal ku sheegay afhayeenka madaxtooyada Mareykanka, Sean Parnell.
“Ka bixitaanka nidaamsan ee ciidamada iyo qalabka isbahaysiga ee Saldhigga Cirka ee Erbil wuxuu astaan u yahay dhammaadka guuleysta ee howlgalka milatari ee ISIS looga adkaaday Ciraaq,” ayuu yiri Parnell.
Ciidamada isbahaysiga oo si tartiib ah uga baxay Ciraaq
Baadqad iyo Washington ayaa sannadkii 2024 ku heshiiyay in si tartiib ah loo soo afjaro howlgalka isbahaysiga ee Ciraaq. Ciidamada isbahaysiga ayaa markaas si heer-heer ah uga baxay saldhigyo kala duwan oo dalka ku yaalla, iyadoo joogitaankooda ugu dambeeyay lagu koobay gobolka Kurdistan ee iskiis u maamula waqooyiga Ciraaq.
Dowladda Ciraaq ayaa aaminsan in ka bixitaanka ciidamada isbahaysigu meesha ka saarayo marmarsiiyo ay kooxaha hubeysan ee awoodda leh ee taageerada ka hela Iran u adeegsan jireen inay ku sii haystaan hubkooda.
Howlgalka Suuriya oo sii socda
Taliska Dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Ciidanka Wadajirka ah ee Isbahaysiga—Howlgalka Inherent Resolve (CJTF-OIR) uu weli shaqeynayo, balse xaruntiisa hadda lagu wareejiyay Urdun.
Mareykanka ayaa sidoo kale sii wada howlgalka ka dhanka ah ISIS ee Suuriya, iyadoo ay garab ka helayaan xubnaha isbahaysiga iyo dowladda Suuriya.
“Shaqo wanaagsan ayay qabteen tobannaan kun oo ka mid ah ciidamada Mareykanka, diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha rayidka ah ee u istaagay waajibaadkooda Ciraaq,” ayuu yiri Admiral Brad Cooper, taliyaha CENTCOM.
“Dadaalkiinna, naf-hurnimadiinna iyo xirfaddiinna awgood, ISIS hadda ma aha khatar nidaamsan oo ku wajahan amniga qaranka Ciraaq,” ayuu Cooper ku daray.
Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada amniga Ciraaq, oo ay ku jiraan ciidamada Peshmerga iyo ciidamada kale ee amniga ee gobolka Kurdistan, ay hadda leeyihiin awoodda, hoggaanka iyo madaxbannaanida hawlgal ee ay si iskood ah ugu maareyn karaan khataraha ka dhanka ah dalkooda.
Saldhigga Erbil oo door muhiim ah lahaa
Saldhigga Cirka ee Erbil, oo ku yaalla waqooyiga Ciraaq, wuxuu ahaa xarunta ugu weyn ee hawlgallada CJTF-OIR, wuxuuna martigelin jiray inta badan ku dhowaad 1,500 oo askari oo Mareykan iyo isbahaysi ah oo ka qayb qaadanayay hawlgallada ka dhanka ah ISIS.
“Markaan dib u laabaneyno oo aan mas’uuliyadda koowaad ee amniga Ciraaq si buuxda ugu wareejineyno Dowladda Ciraaq iyo shacabka geesiyiinta ah ee Ciraaq, ciidamada Mareykanka iyo kuwa isbahaysiga ee ku sugan guud ahaan gobolka waxay weli diyaar u ahaan doonaan inay ka jawaabaan khatar kasta oo ISIS ah oo soo baxda,” ayuu yiri Cooper.
“Joogteynta feejignaanteenna iyo diyaar-garowgeennu waa muhiim si loo ilaaliyo dhulka Mareykanka iyo in la xoojiyo amniga gobolka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay.



