Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa u tacsiyeysay dhammaan ciidamadii dowladda Puntland ee ku shahiidey dagaalka ka…

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa u tacsiyeysay dhammaan ciidamadii dowladda Puntland ee ku shahiidey dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
“Waxaan Cambaareynaynaa weerarkii Argagixisada Daacish ku qaaday Ciidamada difaaca Puntland 11-kii bishaan February” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku faafisay barta (X).
Maraykanka ayaa tacsi u diray dhammaan qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen askartii geesiyaasha ahaa ee ciidamada Puntland kuwaasi oo ku shahiiday dagaalkii ay ciidamada Puntland ku jebiyeen kooxda Daacish.