Maraykanka oo walaac ka muujiyey tallaabooyin ay qaadday DFS.

9 May, 2025

Kaaliyaha xogyaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa si adag uga hadlay war…

Kaaliyaha xogyaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan arrimaha Africa ayaa si adag uga hadlay war murtiyeedkii ka soo baxay shirkii madasha NCC ee magaalada Muqdisho oo ay ka maqnaayeen Puntland iyo Jubbaland.

Qoraal lagu daabacay bartaha xoghayaha ee X ayaa dhinacyada siyaasadda ee Soomaalida loogaga digey dhabar jebinta dedaalada dowlad dhiska, arrimaha doorashooyinka iyo xuluufaysi caqabad ku ah taageerada beesha caalamka.

“Dhammaan daneeyayaasha iyo saamileyda ay khuseeyo waa in ay ka qeyb galaan go’aamada la xiriira isbeddelka nidaamka federaalka iyo doorashooyinka Soomaaliya, Go’aamo laga gaaro arrimahaas iyadoo aan la helin taageero ballaaran, waxay noqon doonaan kuwo aan sharciyad buuxda laheyn waxayna carqaladeyn doonaan la tacaalidda caqabadaha amni ee taagan,” ayuu yiri mas’uulkaan Maraykanka ah.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ayaa wadda tallaabooyin lagu beddelayo qaab-dhismeedka dowladda federaalka iyo habka doorashooyinka, taasoo ay ka walaacsan yihiin qaar kamid ah dowlad-goboleedyada, mucaaradka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaalida.