Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka lidka ku ah Mareykanka ay dhaawacayaan xiriirka soo…

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in falalka lidka ku ah Mareykanka ay dhaawacayaan xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo qoraal ka soo baxay safaaradda lagu xusay in Mareykanku uu Soomaaliya siiyay gargaar gaaraya balaayiin doolar muddo dheer, gaar ahaan taageerada amniga, horumarinta iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Safaaraddu waxay tilmaantay in shacabka Mareykanka ay si joogto ah u taageereen dadaallada lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo Daacish, kuwaas oo khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed iyo danaha Mareykanka, waxayna sheegtay in iskaashiga labada dal uu door muhiim ah ka qaatay xoojinta hay’adaha amniga iyo sugidda xasilloonida Soomaaliya.
Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ayaa soo dhoweysay tallaabada degdegga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ka qaadday muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada, kaas oo muujinayay xubno ku labisan dareyska ciidamada amniga Soomaaliya oo ku xadgudbay calanka Mareykanka.
Ugu dambeyn, Safaaradda Mareykanka ayaa adkaysay in cid kasta oo isku dayda inay dhaawacdo xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ay waxyeello u geysaneyso danaha shacabka Soomaaliyeed. Waxay ku baaqday in si buuxda loola xisaabtamo dadka ku lugta leh falalka noocaas ah, si loo ilaaliyo xiriirka iskaashi ee labada dal.





