Maraykanka oo war ka soo saaray booqashadii Jen. Anderson ee Puntland iyo Somaliland.

2 December, 2025

Taliska hawlgalka Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa war rasmi ah ka soo saaray booqasho uu taliyaha…

Taliska hawlgalka Maraykanka ee Qaaradda Africa ayaa war rasmi ah ka soo saaray booqasho uu taliyaha guud ee AFRICOM ku tegey Itoobiya, Puntland iyo Somaliland oo wadashaqayn dhaw kala dhexayso.

War-saxaafadeed lagu daabacay barta X ee hawlgalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in Jen. Anderson booqday Itoobiya, Puntland iyo Somaliland si uu u xoojiyo balanqaadyadii Maraykanka ee xoojinta cadaadiska ka dhanka ah kooxaha Alshabaab, Daacish iyo kuwa kale ee argagixisada loo aqoonsan yahay.

“Jen. Anderson wuxuu booqday Itoobiya, Somaliland iyo Puntland si uu u xoojiyo ballanqaadka Mareykanka ee ah inuu cadaadis ugu badan saaro ISIS, al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada. Safarku wuxuu xoojiyay isku-dubaridka la-hawlgalayaasha Afrika si loo horumariyo mudnaanta amniga ee la wadaago. #La-dagaallanka argagixisada”, Ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Somaliland oo muddooyinkii dambe Maraykanka ka dhawraysay tixgelinta aqoonsi wadan Madax banaan ayaa warka AFRICOM sii muujinayaa in USA u aqoonsan tahay mid kamid ah maamul goboleedyada kajira Somalia.

Maraykanka ayaa taageeradiisa ugu badan ee ladagaalanka kooxaha Xagjirka ah siiya ciidanka difaaca Puntland ee Daacish kula dagaalamaya buuraleeyda Cal-miskaad, xilli Madaxweyne Trump joojiyey dhaqaalihii uu siin jirey DFS iyo kabkii taliska Balli-doogle.