Xiisadda militari ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen…

Xiisadda militari ee u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay, iyadoo labada dhinac ay is-weydaarsadeen weerarro iyo duqeymo culus oo laga fuliyey dalal dhowr ah oo ku yaalla Bariga Dhexe.
“Haddii aad balanka ilaalin weydaan, anaguna gacmaha laaban mayno, ma nihin kuwa madaxa hoos u jeediya, hadda waad haysaan jawaab fiican sow maaha, wali wax ma idinku hareen” sidaas waxaa ugu jawaabay Mareykanka, Jen, Mohammad Bagher Ghalibaf oo ah gudoomiyaha baarlamaanka & madaxa wada hadalada Iran ku metelaya wareegyadii is arag ee dhexmaray Mareykanka & Tehran.

Iiraan ayaa sheegtay inay weerarro ay adeegsaneyso diyaarado aan duuliye lahayn (drones) ku beegsatay saldhigyo iyo xarumo ciidan oo Mareykanku ku leeyahay dalalka Kuwait iyo Baxreyn, waxaana Tehran sheegtay inay gantaallo ballistic ah ku garaacday saldhigga Prince Hassan Air Base ee dalka Jordan.
Dhanka kale, dowladaha Qatar, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) iyo Kuwait ayaa xaqiijiyey inay difaacyadooda cirka ku guuleysteen inay hawada ku qabtaan gantaallo iyo weerarro cirka ah oo lagu soo qaaday dalalkooda, inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin khasaaraha ka dhashay.
Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay inuu fuliyey wareeg saddexaad oo duqeymo cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday in ka badan 140 goobood oo militari oo ku yaalla gudaha Iiraan.
Sida uu sheegay CENTCOM, saddexdii weerar ee ugu dambeeyey ee toddobaadkan ayaa lagu beegsaday in ka badan 300 bartilmaameed oo ay ka mid yihiin saldhigyada gantaallada, xarumaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, bakhaarrada hubka, xarumaha isgaarsiinta iyo kaabeyaasha kale ee militariga.

Mareykanka ayaa sii xoojiyey joogitaankiisa militari ee gobolka, isagoo tiradii ugu badnayd ee diyaaradaha shidaalka hawada ku siiya diyaaradaha dagaalka ee nooca KC-135 u diray saldhigyada uu ku leeyahay waddamada Khaliijka iyo goobaha u dhow Israa’iil.




