Kumanaan kun ayaa isugu soo baxay guud ahaan dalka Mareykanka si ay u muujiyaan diidmadooda ku aaddan siyaasadda madaxweyne Trump. Dadku waxay muujiyeen mudaaharaad ka dhan ah masaafurinta tirada badan, dhimista miisaaniyada, dagaalka Gaza iyo arrimo kale.

Kumanaan dibadbaxayaal ah ayaa isugu soo baxay boqollaal munaasabadood oo ka dhacay dalka Mareykanka Sabtidii, kuwaasoo ka soo horjeeda siyaasadaha qalafsan ee madaxweyne Donald Trump.
Waxay dhaleeceeyeen siyaasadaha socdaalka ee gardarada ah ee Trump, dhimista miisaaniyada, cadaadiska jaamacadaha, warbaahinta wararka iyo Garsoorka, iyo sida uu u maareenayo dagaalada Ukraine iyo Gaza.
Tan iyo markii uu xafiiska ku soo noqday, Trump iyo bilyaneer Elon Musk labaduba waxay ku dhaqaaqeen dhimista kharashaadka dowladda, waxay shaqada ka eryeen in ka badan 200-kun oo shaqaale federaal ah, waxayna u dhaqaaqeen inay burburiyaan hay’adaha federaalka ee muhiimka ah sida USAID iyo Waaxda Waxbarashada.



