Mareykanka: Baadi-goobka eedeysane toogasho ka geystay gobolka Minnesota

15 June, 2025

Baadigoob ballaaran oo ka socda Mareykanka oo lagu baadi-goobayo nin ay mas’uuliyiintu sheegeen inuu iska dhigay sarkaal booliis ah oo si bareer ah u toogtay xildhibaan ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ee gobolka Minnesota ayaa socday maalintii labaad, iyadoo barasaabka gobolkaas uu ku tilmaamay “dil siyaasadeysan”.

Eedeysanaha oo taageera Trump ayaa lagu magacaabaa Vance Luther Boelter oo ah 57-jir, ayaa sidoo kale la sheegay inuu toogtay oo dhaawacay Xildhibaan labaad oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga iyo Xaaskiisa, sida ay sheegeen Saraakiisha Ammaanka iyo FBI-da.

Baadigoobka ballaaran oo galay maalintii labaad Axadii kadib markii Boelter lagu eedeeyay inuu dilay afhayeenkii hore ee aqalka hoose ee Minnesota Melissa Hortman iyo seygeedii, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo ku yaala Brooklyn Park, duleedka magaalada Minneapolis, subaxnimadii Sabtida.

Boelter ayaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu toogtay oo dhaawacay Senator John Hoffman iyo xaaskiisa, xilli ay ku sugnaayeen gurigooda oo qiyaastii 15km u jira magaalada u dhow ee Champlin.

Ilhan Cumar oo kamid ah dadka uu damacsanaa inuu weeraro

Eedeysanaha ayaa ka tagay gaari u ekaa nooca kuwa booliiska ayaa lug ku cararay kadib markii uu rasaas ku furay booliska, mas’uuliyiintu waxay sheegeen in askartu ay heleen “cadeyn” iyo liiska siyaasiyiin kale oo la rumeysan yahay in ninka doonayey inuu weeraro, waxaana kamid ah xildhibaanad Ilhan Cumar iyo Barasaabka gobalka Minnesota.

Boelter waa in loo tixgaliyaa in uu hubaysan yahay oo uu khatar yahay, waxaana la rumaysan yahay in uu wali ku sugan yahay aagga Minneapolis-St Paul, Maamulaha Xafiiska Dembiyada ee Minnesota Drew Evans ayaa ku sheegay warbixin kooban.

FBI-da ayaa soo saartay abaal-marin dhan 50,000 oo Dollarka ah ciddii keenta xog horseeda in la soo xiro ninkan.