Mareykanka: Hal qof ayaa ku dhintay rasaas ay ku lug lahaayeen saraakiisha ICE ee gobolka Maine

Qof ayaa dhintay Isniintii kadib markii rasaas ay ku lug lahaayeen saraakiisha socdaalka ee Mareykanka (ICE) ay ka dhacday gobolka Maine, sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee gobolka, maalmo uun kadib markii nin lagu dilay rasaas uu furay sarkaal Mareykan ah intii lagu jiray baaritaan gaari gobalka Texas.

14 July, 2026

“Subaxnimadan rasaas ayaa ka dhacday magaalada Biddeford. Hal qof ayaa dhintay. ICE way ku lug lahayd,” ayuu Ryan Fecteau, afhayeenka Golaha Wakiillada ee Maine isla markaana u dhashay Biddeford, ku qoray Facebook.

Booliska Gobolka Maine iyo Waaxda Badbaadada Dadweynaha ayaa goobta jooga si ay u ururiyaan faahfaahinta dhacdada, waxaana la filayaa in FBI-du ay sidoo kale baaritaan sameyso.

Saraakiisha Hay’adda Socdaalka iyo Kastamka (ICE) iyo Waaxda Amniga Gudaha (DHS) ayaan isla markiiba laga helin wax faallo ah. Booliska Biddeford wax faallo ah ma bixin.

Biddeford waa magaalo ay ku nool yihiin in ka badan 21,000 qof. Waxay qiyaastii 15 mayl koonfur kaga taallaa Portland iyo 90 mayl waqooyi kaga beegan Boston.

Dhacdadan Isniinta waxay timid lix maalmood kadib markii sarkaal ICE ah uu magaalada Houston ku toogtay nin lagu magacaabo Lorenzo Salgado Araujo intii lagu jiray baaritaan gaari, taasoo dhalisay dibadbaxyo ka dhacay xaafadda East End oo ay si weyn u deggan yihiin dadka asal ahaan Latin-ka ah.

Saacado kadib toogashadaas, ICE ayaa qoraal ku sheegtay in Salgado, oo ahaa muwaadin u dhashay Mexico kuna noolaa Mareykanka si sharci darro ah muddo ka badan 30 sano, uu baabuurkiisa ku dhuftay gaari ay leeyihiin ciidamada ammaanka isla markaana isku dayay inuu jiirsiiyo sarkaal, taas oo sababtay in sarkaalku isku difaaco oo rasaas furo.

Hay’addu ma aysan soo bandhigin wax caddeyn ah oo taageeraysa sheegashadaas. Dhacdooyin kale oo dhacay sanadkii la soo dhaafay, wararkii hore ee ay bixiyeen hay’adaha fulinta socdaalka ee ku saabsanaa adeegsiga xoogga ayaa waxaa ka hor yimid muuqaallo fiidiyow ah ama caddeymo kale, mararka qaarkoodna maxkamadaha.

Saddex nin oo goobjoog u ahaa toogashada ayaa ka hor yimid sheekada ICE, sida uu wariyeyaasha u sheegay qareenka u doodaya laba kamid ah raggaas maalintii Jimcaha.

Qaraabadiisa ayaa sheegay in Salgado, oo ahaa aabbe leh saddex carruur ah, uu ka shaqayn jiray dhismaha isla markaana uu ku jiray geeddi-socodka helitaanka oggolaanshaha shaqada.

Toogashooyinkan waxay dhaceen iyadoo Madaxweyne Donald Trump uu sii wado ololihiisa federaalka ee ka dhanka ah muhaajiriinta guud ahaan dalka, tallaabadaas oo dhalisay diidmo uga timid hoggaamiyeyaasha Dimuqraadiga iyo dibadbaxyo ka dhacay magaalooyin badan.