Taliyaasha ugu sarreeya ee ciidamada Mareykanka, Israa’iil iyo siddeed dal oo carbeed ayaa toddobaadkii hore kulan…

Taliyaasha ugu sarreeya ee ciidamada Mareykanka, Israa’iil iyo siddeed dal oo carbeed ayaa toddobaadkii hore kulan gaar ah ku yeeshay dalka Jarmalka, iyagoo ka wada hadlay dagaalka Iran iyo amniga gobolka.
Kulanka uu qabanqaabiyay taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) waxaa ka qayb galay taliyeyaasha ciidamada Israa’iil, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Kuwait, Qatar, Urdun iyo Masar.
Admiral Brad Cooper ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay sii joogi doonaan gobolka, inkastoo Iraan ay weerarro ku qaaday, wuxuuna taliyeyaasha ku wargeliyay qorshe lagu kordhinayo maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Hormuz.



