Mareykanka & Isra’il oo duqeeyey Tehran xili uu socday banaanbaxa shacabka ee Al-Quds

13 March, 2026

Warbaahinta dowladda ee Press TV ayaa sheegtay in hal qof oo dumar ah ay ku dhimatay kadib markii ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka iyo Israa’iil, shacabka dhigayey banaanbaxa al-Qudus ee Tehran ka dhaca jimcaha ugu danbeeya bisha Ramadanka.

Banaanbaxa al-Qudus ayaa sanad walba ka dhaca dalka Iran iyadoo lagu taageerayo shacabka Falastiin, waxaana mudaharaadkan la qabtaa Jimcaha ugu danbeeya ee Bisha Barakeysan ee Ramadankan oo sanadkan kusoo beegantay maalintii 14aad ee uu socdo duulaanka Mareykanka iyo Isra’il ku qaadeen wadankaasi.

Wasaaradda Caafimaadka Iiraan ayaa Jimcihii sheegtay in ugu yaraan 1,444 qof ay ku dhinteen 18,551 kalena ay ku dhaawacmeen weerarradii Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen Iiraan tan iyo 28-kii Febraayo.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa lagu arkay dibadbax ka dhacay Tehran, iyo sidoo kale Ali Larijani, xoghayaha Golaha Amniga Qaranka ee Sare.

Madaxweynaha Iiraan Masoud Pezeshkian ayaa ugu baaqay dadweynaha inay ka qayb qaataan banaanbaxa inkastoo uu dagaalku socday. Khamiistii, wuxuu ku soo qoray bogga X isagoo ku boorriyay shacabka inay “niyad jabiyaan cadawga Iiraan oo ay dhigaan banaanbax ka balaaran kuwii hore”.

Iiraan waxay xustaa Maalinta Al-Quds laga soo bilaabi Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, kadib markii munaasabadda uu ku dhawaaqay aasaasihii jamhuuriyadda iyo hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Ayatollah Khomeini.