Mareykanka iyo Midowga Yurub ayaa Axaddii gaaray heshiis horudhac ah oo ganacsi, iyadoo Mareykanku saaray 15% cashuur soo dejin ah badeecooyinka ugu badan ee EU-da, taasoo ah nuska cashuurtii lagu hanjabay, waxaana laga fogaaday dagaal ganacsi oo weyn oo dhex mari lahaa labada dhinac ee sameeya ku dhowaad saddex meelood meel ganacsiga caalamka.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxa Midowga Yurub, Ursula von der Leyen ayaa heshiiskan ku gaaray galbeedka Scotland, kadib kulan saacado qaatay oo ka dambeeyay bilooyin wadahadallo adag ah.
“Waxaan aaminsanahay in tani ay tahay heshiiskii ugu weynaa abid la gaaro,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha, isagoo ammaanay qorshaha Midowga Yurub ee ah inay ku maalgelinayaan ilaa $600 bilyan gudaha Mareykanka, iyo inay si weyn u kordhinayaan iibsiga tamarta iyo qalabka milatari ee Mareykanka.
Trump wuxuu sheegay in heshiiskan oo ka weyn heshiiskii $550 bilyan ahaa ee uu la saxiixday Japan toddobaadkii hore uu ballaarin doono xiriirka labada awood ee Trans-Atlantic (Mareykanka iyo Midowga Yurub), kadib sanado uu ku tilmaamay in loo adeegsaday si aan caddaalad ahayn ganacsatada Mareykanka.
Von der Leyen, oo Trump ku tilmaantay ayaa sheegtay in cashuurta 15% ay si guud u khusayso dhammaan badeecooyinka, iyadoo wariyeyaasha u sheegtay in ay ahayd waxii ugu fiican ee aan heli karaynay.
“Waxaan haynaa heshiis ganacsi oo dhex maray labada dhaqaale ee ugu weyn adduunka, waana arrin weyn. Waa heshiis weyn. Wuxuu keenayaa xasillooni. Wuxuu keenayaa saadaal la hubo.”ayey tiri; Madaxa EU-da.
Horseed Media



