Mareykanka iyo Nigeria oo duqeynmo ku dilay 20 dagaalyahan

18 May, 2026

Duqeynta wadajirka ah ayaa timid wax yar ka dib markii Mareykanka iyo Nigeria ay maalmo kahor ay ku dhawaaqeen inay dileen hoggaamiye caan ah oo ka tirsan Daacish.

Mareykanka iyo Nigeria ayaa Axaddii shalay duqeymo cusub ka geystay gobolka Borno ee waqooyi-bari Nigeria, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.

Ugu yaraan 20 maleeshiyaad ah ayaa lagu dilay duqeymaha, sida laga soo xigtay militariga Nigeria.

Duqeynta ayaa timid maalmo kadib hawlgal wadajir ah oo ay sameeyeen labada ciidan oo lagu dilay Abu Bakr al-Mainuki, oo ahaa ku xigeenka hoggaamiyaha “gobolka” Galbeedka Afrika ee kooxda Daacish (ISIS).

Militariga Nigeria ayaa Mainuki ku tilmaamay “argagixisada ugu firfircoonaa adduunka.”

Dilkiisa ayaa ahaa bartilmaameedkii ugu horreeyay ee guulaysta ee ay ciidamada amniga Nigeria ku beegsadaan hoggaamiye sare oo xagjir ah kadib in ka badan toban sano oo ay dagaal kula jireen kooxo hubaysan oo waqooyiga ku sugan, oo ay ku jirto kooxda Boko Haram.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in “wax khasaare ah aysan soo gaarin ciidamada Mareykanka ama kuwa Nigeria “weerarradii toddobaadkan, isagoo intaa ku daray in sirdoonku ay xaqiijiyeen in bartilmaameedyadu ay ahaayeen dagaalyahannada Daacish.

“Hawlgaladan ka dhanka ah argagaxisada waxay yareyneysaa awoodda kooxda ay u leedahay inay qorsheyso weeraro halis gelinaya amniga,” ayuu raaciyay AFRICOM.

Weerarkan wuxuu ahaa “sii socoshada howlgallada isku-dubaridka ah ee ka dhanka ah dagaalyahannada ISIS,” oo ka dhacay gobolka waqooyi-bari ee Nigeria, sida ay sheegeen militariga Nigeria.