Wadaxaajoodayaasha Mareykanka ayaa Sabtidii la kulmay mas’uuliyiinta Ruushka ee Florida si ay u soo afjaraan dagaalka Ruushka ee Ukraine, iyadoo maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isku dayayo inuu heshiis ka dhex dhaliyo labada dhinac si loo soo afjaro khilaafka.

Kulanka Miami wuxuu daba socday wadahadallo uu Mareykanku la yeeshay mas’uuliyiinta Ukraine iyo Yurub Jimcihii, kuwaas oo ahaa wadahadalladii ugu dambeeyay ee qorshe nabadeed oo dhaliyay rajo ah in xal loo helo khilaafka oo billowday markii Ruushku uu bilaabay duullaanka bishii Febraayo 2022.
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, Kirill Dmitriev, ayaa wariyeyaasha u sheegay ka dib markii uu la kulmay ergeyga gaarka ah ee Mareykanka Steve Witkoff iyo wiilka uu soddogga u yahay Trump ee Jared Kushner, in wadahadalladu ay ahaayeen kuwo wax dhisaya oo ay sii socon doonaan Axadda. Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa sheegay in wadahadalladu ay dhammaadeen maalintaas.
“Dooduhu waxay u socdaan wanaagsan, sidoo kalena waxay sii socon doonaan berri,” ayuu yiri Dmitriev.
Marco Rubio, Xoghayaha Arrimaha dibada ee Mareykanka iyo la-taliyaha amniga qaranka, ayaa sheegay inuu sidoo kale ku biiri karo wadahadallada.
Rubio ayaa Jimcihii u sheegay wariyeyaasha in horumar laga sameeyay wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka laakiin weli ay jiraan qodobo aan weli lagu heshiinin.
Saraakiisha Mareykanka, Yukrayn iyo Yurub ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in horumar laga sameeyay dammaanadaha amniga ee Kyiv oo qayb ka ah wadahadallada lagu soo afjarayo dagaalka, laakiin weli ma cadda in shuruudahaas ay aqbali doono Ruushka.




