Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo soo gaba gabeeyay safar saddex maalmood qaatay oo uu ku joogay Boqortooyada Ingiriiska iyo Ra’iisul wasaare Keir Starmer ayaa ka wadahadlay arrimo kala duwan, wuxuuna carrabka ku adkeeyay isbaheysiga labada dal.

Trump ayaa la hadlay warfidiyeenka isaga oo garab taagan Starmer Khamiistii, isaga oo amaanay soo dhawaynta uu ka helay Britain.
Dhankiisa, Starmer wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanka iyo UK iska-kaashanayaan ganacsiga, difaaca iyo technology.
Bilihii la soo dhaafay, qaar ka mid ah wadamada Yurub ayaa ka xanaaqay siyaasadaha ganacsiga ee Trump iyo go’aankiisa uu hoos ugu dhigay taageerada Ukraine oo dagaal kula jirta Ruushka.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa mar kale saxaafadda u sheegay inuusan fileyn in xalinta khilaafka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine ay noqon doonto mid aad u adag, walow uu rajo xumo ka muujiyay dhanka madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo todobaadyadii danbe dar-dargeliyey duulaanka uu ku hayo Ukraine.
Dhankiisa, Starmer ayaa hoosta ka xariiqay in UK ay hogaamineyso waxa loogu yeero isbaheysiga ka caawiyaan Ukraine iska caabinta duulaanka Ruushka.



