Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo la tacaalaya caqabadaha soo wajahay kadib duulaankii ay ku qaadeen Iran, ayaa sheegay in loo baahan yahay in Beesha Caalamka si wadajir ah uga qeyb qaadato sidii dib loogu furi lahaa Marinka Hormuz oo ay xirtay Iran.

Soo jeedinta Madaxweyne Donald Trump ee ah in dalalku ay maraakiibtooda dagaalka ku caawiyaan ciidamada badda ee Mareykanka si ay u ilaaliyaan marin biyoodka Hormuz oo ay xirtay Iran kadib duulaankii Mareykanka iyo Israa’iil arrintan oo keentay sare u kaca qiimaha Saliida oo laga cabsi qabo inuu sicir barar iyo dhaqaale burbur ku keeno dunnida oo dhan.
“Waxaan rajeynayaa in Shiinaha, Faransiiska, Japan, Kuuriyada Koonfureed, UK, iyo kuwa kale, ay maraakiib u diri doonaan aagga si marin-biyoodka Hormuz amnigiisa loo sugo,” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay boggiisa Truth Social.
Xili todobaadkii sadexaad uu galay duulaanka Mareykanka iyo Isra’il ku qaadeen Iran ayaa waxaa weli gebi ahaan xiran marrin biyoodka Hormuz, walow ay Iran sheegtay inay u ogolaan doonto inay halkaasi maraan kaliya maraakiibta dalalka aan xiriirka la lahayn Mareykanka iyo Isra’il.
Dhinaca kale, waxaa sii socda duqeynta Iran la beegsaneyso dalalka Khaliijka oo ay sheegtay in hawadooda iyo dhulkooda looga soo duulay, iyadoo duqeymihii ugu danbeeyey ay ka dhaceen Baxreyn, Kuwait iyo Dubai.
Garoonka diyaaradaha ee Dubai ayaa maanta si kumeel gaar ah loo xiray kadib markii diyaaraad drone ah ku dhacday kaalimaha shidaalka ee madaarka, halkaasi oo uu ka dhashay dab markii danbe lagu guuleystay in la damiyo sida uu sheegay maamulka Madaarka.



