Wasaaradda Caddaaladda ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Mareykanku uu dacwad ku soo oogay madaxweynihii hore ee Cuba Raul Castro.

Dacwadda ayaa ka dhalatay laba diyaaradood oo rayid ah oo Mareykan ah oo ay soo rideen diyaaradaha dagaalka ee Ciidamada Cirka ee Cuba, iyadoo afar xubnood oo ka tirsan koox samafal oo ka soo horjeeda Castro oo fadhigeedu yahay Miami oo loo yaqaan Brothers to the Rescue la dilay.
Raul Castro, oo ah walaalka Madaxweynihii muddada dheer ee Cuba, Fidel Castro, ayaa horey u sameeyey dadaal isku soo dhawaansho xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka sanadkii 2015, xilligii uu xilka hayay Barack Obama.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa markii dambe dib uga laabtay tallaabadaas sanadkii 2017 xilligii ugu horreeyay ee uu xilka qabtay.
Eedeynta waxaa lagu soo oogay maxkamad federaal ah oo ku taal Miami, iyadoo eedeymaha ay ahaayeen hal dacwad oo ah shirqool lagu dilay muwaadiniin Mareykan ah, afar dacwadood oo dil ah, iyo laba dacwadood oo ah burburin diyaarado, sida ku cad diiwaanka maxkamadda.
Tillaabadan ayaa lamid ah marmarsiinyadii Mareykanka dacwadaha ugu soo oogay Madaxweynaha Venezuela, Nicolas Maduro, kahor intaysan ku duulin dalkaasi. Trump ayaa horey u sheegay in dagaalka Iran kadib uu weerari doono Cuba.
Maamulka Trump ayaa hirgeliyay xayiraad lagu soo rogay shidaalka soo galaya Cuba, taasoo keentay xiisad dhanka tamarta ah oo ka taagan jasiiraddaas. Mareykanka ayaa sidoo kale tobanaan sano xayiraad ganacsi ku hayey wadanka Cuba.



