Mareykanka oo dib uga gurtay canshuurihii uu kusoo rogay Shiinaha

12 May, 2025

Wakiilka sare ee ganacsiga Mareykanka ayaa sheegay in labada quwadood ay ku heshiiyeen in la hakiyo canshuuraha soo dejinta ugu yaraan 90 maalmood. Dagaalkii ganacsi ee u dhexeeyay labada dal ayaa saamayn dhaqaale ku yeeshay adduunka oo dhan.

Mareykanka iyo Shiinaha ayaa ku heshiiyey inay si weyn u dhimaan canshuuraha 90-ka maalmood ee soo socda, saraakiisha ugu sareysa Mareykanka ayaa sheegay Isniintii.

Talaabadan ayaa timid ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu ka dhawaajiyay in wadahadalada ganacsi ee Beijing ay si wanaagsan u socdaan.

“Waxaan gaarnay heshiis 90-maalmood ah oo hakad ah,” ayuu xoghayaha maaliyadda ee Mareykanka, Scott Bessent u sheegay suxufiyiinta, isagoo intaas ku daray “labada dhinacba waxay hoos u dhigi doonaan canshuuraha” 115%.

Bessent ayaa intaa ku daray: “Labadeenaba waxaan dooneynaa ganacsiga isu dheellitiran.”

Shiinaha, ayaa dhankeeda, ku dhawaaqday “horumar la taaban karo” oo laga gaaray wadahadalada ganacsiga ee Washington.

Tarifyada uu Trump bilaabay ee ka dhanka ah Shiinaha ayaa keentay jawaab deg deg ah oo aargoosi, taasoo keentay in si weyn u korodho qiimaha badeecadaha aasaasiga ah ee suuqyada Mareykanka oo dhan.

Dollarka Mareykanka, ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii Trump uu xilka qabtay bishii Janaayo, marka loo barbardhigo lacagta Yen iyo Yuro.