Mareykanka oo duqeymo culus ku qaaday koonfurta Iran, qiimaha saliidduna uu kor u kacay

Ciidamada Mareykanka ayaa habeenkii Arbacada ee ku beegan aroortii hore ee Khamiista bilaabay wax ay ku tilmaameen “mawjad culus oo duqeymo ah” oo lagu beegsaday Iran, iyagoo sheegay inay garaaceen tobanaan goobood oo ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga (IRGC).

30 July, 2026

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa bayaan lagu faafiyey barta bulshada ee X ee hore loo dhihi jirey TWITTER ku sheegay in duqeymuhu ay bartilmaameed u ahaayeen xarumo talis oo militari, goobo lagu dhiso oo lagu kaydiyo gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, saldhigyo ilaalo xeebeed iyo awoodo badeed.

CENTCOM ayaa intaas ku daray in howlgalku uu ahaa “jawaab xoog leh” oo laga celinayo isku day weerar oo Iran ay maalintii ka horreysay ku qaaday saldhigyo ay Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.

Wariyaha Al Jazeera ee Tehran, Resul Serdar, ayaa sheegay in weerarradan ugu dambeeyay ay ku urursanaayeen gobollada koonfureed ee Iran, gaar ahaan kuwa ku teedsan Gacanka Faaris iyo Marinka Hormuz.

Saraakiisha Iran ayaa sheegay in dhisme degaan lagu nool yahay oo ku yaal jasiiradda Qeshm uu duqeyn ku dhacay, saddex qof ayaa burburka ku hoos jira, halka laba kale oo dhaawacmay isbitaal la dhigay. Duqeynta Jaziirada waxaa ka dhashey go’itaan korontada, iyadoo maamulku sheegay inuu ku howllan yahay soo celinta adeegga iyo nadiifinta burburka.

Qaraxyada ayaa laga maqlay ilaa magaalada dekedda ah ee Bandar Abbas ee gobolka Hormozgan, taasoo horseeday warar bilow ah oo sheegaya in dekedda la garaacay. Wasiir ku xigeenka amniga gobolka Khuusestan ayaa u sheegay telefishinka dawladda ee IRIB in ciidamada Mareykanka ay beegsadeen “qaar ka mid ah goobo ku yaal Abadan.”

Wakaaladda wararka ee Tasniim ayaa sheegtay in duqeymo lagu qaaday duleedka magaalada Kaazeruun ee gobolka Faars, iyo laba qarax oo waaweyn oo ka dhacay jasiiradda Kish. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in garoonka diyaaradaha ee Kish iyo adeegga doonyaha rakaabka aan la saameyn.

Duqeymuhu waxay ku soo aaddeen saacado ka dib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ballanqaaday inuu si adag u garaaci doono Iran, ka dib markii ay beegsatay saldhig ku yaal Urdun oo ciidamo Mareykan ah ay ku sugan yihiin.

Hay’adda ciidamada Urdun ayaa sheegtay in raadaarka militari uu horay u ogaaday shan gantaal oo soo socday, kuwaas oo dhammaantood ay difaacyada cirku hawada ku burburiyeen iyadoo aan khasaare la soo sheegin.

IRGC ayaa dhankeeda sheegtay in inta ay socoto hanjabaadda Washington ay sidoo kale sii socon doonto iska caabbinta Tehran.

Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqday cunaqabateyn cusub oo lala beegsanayo laba shirkadood oo Iraaniyiin ah oo ay sheegtay inay udub-dhexaad u yihiin qorshe uu IRGC taageero oo lagu khasbayo maraakiibta ganacsiga inay iibsadaan caymis ay ku maraan Hormuz. Wasiirka Maaliyadda Scott Bessent ayaa sheegay in Mareykanku aanu u oggolaan doonin Iran inay ganacsiga caalamiga ah afduub ku hayso ama ay maraakiibta caalamiga ah uga faa’iidaysato maalgelinta IRGC.

Horay ayay Iran u diidday soo jeedin ay Cumaan soo bandhigtay oo ku saabsan in si wadajir ah loo maamulo marinnada maraakiibta ee Hormuz.

Suuqyada saliidda

Qiimaha saliidda ayaa mar kale kor u kacay ka dib hanjabaadda Trump. Saliidda nooca Brent, oo ah heerka caalamiga ah, ayaa kor u kacday in ka badan 7%, waxayna gaadhay $90.66 birmiilkii, Arbacadii galinkii dambe. Subaxnimadii hore, Brent-ku wuxuu 5.8% ku kacay $86.82.

Kor u kaca noocaas ah wuxuu si toos ah u saameeyaa dalalka Geeska Afrika ee saliidda dibadda ka soo dhoofsada, isagoo sare u qaada kharashka gaadiidka, korontada iyo raashinka.

Dhinaca badda, tirada maraakiibta mara Marinka Bab al-Mandab ayaa hoos u dhacday 22% tan iyo markii Xuutiyiintu ay ku dhawaaqeen inay beegsan doonaan maraakiibta Sacuudiga ee u socda Badweynta Hindiya, halka gudbinta Marinka Hormuz-na ay wali ku sii jirto heer hooseeya. Shirkadaha maraakiibtu waxay hadda baadhayaan waddooyin kale, oo ay ku jirto Kanaalka Suweys.

/hm