Ciidamada cirka Mareykanka ayaa duqeymo milatari ka fuliyay Jasiiradda Qeshm ee dalka Iiraan, oo ku taalla…

Ciidamada cirka Mareykanka ayaa duqeymo milatari ka fuliyay Jasiiradda Qeshm ee dalka Iiraan, oo ku taalla Marinka Hormuz, sida ay saraakiil Mareykan ah u sheegeen telefishinka CBS News, oo ay bahwadaag yihiin BBC-da.
Wakaaladda wararka dowladda Iiraan ee IRNA ayaa sheegtay in Isniintii dhowr qarax laga maqlay jasiiradda. Saraakiisha Mareykanka ayaa duqeymaha ku tilmaamay kuwo xaddidan, iyagoo sheegay inay jawaab u ahaayeen weerar ay Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan (IRGC) ku qaadeen diyaarad Mareykan ah.
Dhanka kale, BBC-da ayaa sheegtay inay xiriir la sameysay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM), si ay wax uga ogaato bartilmaameedyada la weeraray iyo khasaaraha ka dhashay, balse talisku uusan weli faahfaahin rasmi ah ka bixin howlgalka.




