Mareykanka oo duqeyn ku dilay hoggaamiye ka tirsan ISIS, dalka Suuriya

25 June, 2026

Milatariga Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay waqooyi-galbeed Suuriya toddobaadkii hore, kaas oo lagu dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan ISIS, sida Taliska Dhexe ee Mareykanka uu ku sheegay qoraal Arbacadii lagu daabacay X.

Taliska Dhexe ee militariga Mareykanka waxa uu sheegay in weerarka uu dhacay Juun 19-keedii iyadoo lagu dilay horjooge Ali Husayn al-‘Ulaywi oo ka tirsan kooxda Daacish.

Qoraalka Militariga Mareykanka ayaa lagu yiri “Tani waxay qayb tahay dadaallada socda ee Mareykanka ee lagu carqaladeynayo laguna tirtirayo argagixisada doonaya inay weeraraan Mareykanka” iyo in ciidamadeedu ay sii wadi doonaan inay la shaqeeyaan la-hawlgalayaasha gobolka.

“CENTCOM iyo la-hawlgalayaashayadu waxay weli ka go’an tahay inay xididada u siibaan haraadiga ISIS si loo hubiyo guuldarradeeda waarta,” ayuu yiri Adm. Brad Cooper, taliyaha CENTCOM.

ISIS waxay ku dhawaaqday waji cusub oo hawlgallo ah oo ka dhan ah dowladda Madaxweyne Ahmed al-Sharaa, iyagoo fulinaya weeraro isdaba joog ah tan iyo bishii Febraayo. Sannadkii hore, dowladda al-Sharaa waxay ku biirtay isbahaysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee la dagaallamaya ISIS.

Sabtidii, kooxda xagjirka ah waxay sheegatay mas’uuliyadda weerar ka dhacay meel u dhow magaalada Manbij ee gobolka Aleppo ee waqooyi-bari Suuriya.