Mareykanka oo Habeenkii 13-aad Duqeeyay Iiraan, Tehran oo Diiday Xabbad-joojin

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ayaa galay marxalad cusub kadib markii Washington ay sii wadday duqeymaha ka dhanka ah bartilmaameedyada militari ee gudaha Iiraan, halka Tehran ay diidday baaqyo xabbad-joojin ah. Xiisadda sii fidaysa ayaa saameysay amniga gobolka iyo suuqyada tamarta, iyadoo qiimaha saliidda uu kor u kacay.

24 July, 2026

WASHINGTON / TEHRAN — Ciidamada Mareykanka ayaa qaadey duqeymo kale oo culus habeenkii 13-aad ee isku xigta iyaga garaacay bartilmaameedyo militari oo ku yaal gudaha Iiraan, iyadoo Tehran ay dhinaceeda diiday soo jeedin xabbad-joojin oo Washington ay u soo mareysay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq arrin muujinaysa in dagaalka afar bilood ka badan socday uu galay marxalad culays badan oo aan wax rajo ah oo dublamaasiyadeed ku beegnayn.

Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in howlgalkii xalay uu dhammaaday 9-kii habeennimo, isla markaana ay bartilmaameedsadeen xarumo taliseed oo militari, goobo lagu kaydiyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, shabakado isgaarsiin, goobo la socodka xeebaha iyo awoodaha badda. CENTCOM ayaa sheegtay in ujeeddadu tahay in la yareeyo halista ay Iiraan ku hayso maraakiibta ganacsi iyo badmaaxiinta rayidka ah ee mara Marinka Hormuz.

Wakaaladda wararka Tasnim ee ku dhow dowladda Iiraan ayaa warbixisay in duqeymo lagu qaaday agagaarka magaalada Ahvaz ee koonfur-galbeed ay ku dileen afar qof, shan kalena ay ku dhaawacmeen.

Diidmada xabbad-joojinta

Wargeyska The New York Times ayaa soo xigtay saraakiil Iiraaniyiin iyo Ciraaqiyiin ah oo sheegay in Tehran ay diidday soo jeedin xabbad-joojin oo uu keenay Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq Cali al-Zaidi, kaas oo Khamiistii ku tagay Tehran booqashadiisii rasmiga ahayd ee ugu horreysay tan iyo intii uu xilka la wareegay bishii Maajo. Faahfaahinta soo jeedinta lama shaacin, laakiin saraakiisha ayaa sheegay in Iiraan ay diidday sababtoo ah kama jawaabin arrinta ugu weyn: cidda gacanta ku haysa Marinka Hormuz.

Saraakiisha Iiraan ayaa The Times u sheegay in ay isu diyaarinayaan suurtogalnimada dagaal ballaaran haddii Madaxweyne Donald Trump uu fuliyo hanjabaaddiisa ah in la garaaco Tehran iyo kaabayaal kale oo muhiim ah. Waxay ku celceliyeen in weerar noocaas ah uu Tehran ku kalifi doono inay dagaalka gobolka ku fidiso, oo ay ku jirto bartilmaameedsiga Tel Aviv iyo in Xuutiyiinta Yemen laga codsado inay xiraan Marinka Bab el-Mandeb.

Trump, oo Khamiistii la hadlay bogga wararka ee Axios, ayaa sheegay inuu tixgelinayo “weerar aad u ballaaran” oo ka weyn wixii hore, isagoo intaa ku daray inuu ku dhow yahay inuu go’aan gaaro. Wuxuu kaloo sheegay in Israa’iil ay ku biiri karto “laba daqiiqo gudahood” haddii uu weydiisto, laakiin uu Mareykanku u baahnayn cid kale. Maalin ka hor, wuxuu ku hanjabay in mar kasta oo Iiraan weerarto markab Marinka Hormuz uu Mareykanku burburin doono buundo ama warshad koronto.

Iiraan oo weerarkeeda ku fidisay Khaliijka

Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay, sida ay baahisay wakaaladda Mehr, inay diyaarado aan duuliye lahayn ku garaaceen saldhigga cirka ee Sheikh Isa ee Baxrayn oo ay ku beegsadeen haamaha shidaalka, bakhaarrada qalabka iyo hoyga ciidamada iyo saldhigga Muwaffaq Salti/Al-Azraq ee Urdun, halkaas oo la sheegay in la garaacay hangarrada diyaaradaha, goobaha dayactirka iyo hoyga ciidamada.

Kuwayt ayaa sheegtay in hubkeeda difaaca cirka uu ka hortagey gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo dhulkeeda lagu soo weeraray, iyadoo dab ka kacay xudduudda Al-Abdali la sheegay in la xakameeyay. Baxrayn ayaa mar kale yeerisey seeriga digniineed, halka qaraxyo laga maqlay meel u dhow saldhig ciidamada Mareykanka martida u ah oo ku yaal waqooyiga Ciraaq. Boqortooyada Ingiriiska ayaa dadkeeda uga digtay safar aan lagama maarmaan ahayn oo loo galo Kuwayt iyo Baxrayn.

La-taliyaha sare ee militari ee Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei, oo la yiraahdo Mohsen Rezaei, ayaa ku goodiyay in weerar kasta oo lagu qaado kaabayaasha dalka lagaga jawaabi doono si “adag “.

Hormuz, saliidda iyo dhaqaalaha caalamiga ah

Dagaalku wuxuu isu beddelay halgan lagu doonayo gacan-ku-haynta marinnada biyaha ee gobolka kuwaas oo si buuxda u furnaa ka hor dagaalka, isla markaana muhiim u ah socodka saliidda iyo gaaska adduunka. Qiyaastii 20 milyan oo baamiil oo saliid ah ayaa maalin walba mara Marinka Hormuz.

Saamaynta suuqa way muuqatay. Saliidda nooca Brent ayaa Khamiistii dhaaftay $100 baamiilkii markii ugu horreysay tan iyo bishii Maajo kadib markii Xuutiyiintu ay weerar ku qaadeen maraakiib saliid oo Sacuudi ah oo mareysay Badda Cas, taasoo furtay jabhad cusub. Jimcihii, qiimuhu wuxuu ku noqday ku dhawaad $97, isagoo weli sare u kacay in ka badan 13% usbuucan.

Tan iyo markii dib loo soo celiyay xannibaadda badda ee Iiraan sagaal maalmood ka hor, CENTCOM ayaa sheegtay inay jihaynta ka beddeleen 12 markab ganacsi, mid kalena ay shaqo la’aan ka dhigeen, si ay uga hor istaagaan maraakiibta inay ka baxaan ama galaan dekedaha Iiraan.

Khasaaraha iyo waxa xiga

Wasaaradda Caafimaadka Iiraan ayaa sheegtay in weerarrada Mareykanka tan iyo 27-kii Juun ay ku dileen 55 qof, 629 kalena ay ku dhaawacmeen. Tan iyo markii Mareykanka iyo Israa’iil ay dagaalka bilaabeen 28-kii Febraayo, kumannaan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen. Dhinaca Mareykanka, 18 askari ayaa dagaalka ku dhintay, in ka badan 450 kalena way ku dhaawacmeen; Trump ayaa Arbacadii ka qayb galay xaflad lagu qaabilayay maydadka afar askari oo lagu dilay weerarro Iiraan ka yimid oo lala beegsaday saldhigyo militari.

CENTCOM ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo askari oo Mareykan ah ay hadda ku sugan yihiin Bariga Dhexe. Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ayaa qiyaasay in dagaalku ilaa hadda uu ku kacay $37.5 bilyan, iyadoo maamulka Trump uu Congress-ka ka dalbanayo bilyanno dheeraad ah.

Wada-hadalladii dhex maray labada dhinac ee bishii Juun — oo ku salaysnaa is-afgarad la saxeexay — ayaa burburay, iyadoo Hormuz uu ahaa qodobka is-mari waaga. Trump ayaa Khamiistii sheegay in Iiraaniyiintu “ay doonayaan inay wada hadlaan” laakiin aanay weli diyaar u ahayn heshiis. Sarkaal sare oo Carbeed oo si toos ah uga qayb qaatay dadaallada dublamaasiyadeed ayaa NBC News u sheegay in xaaladdu ay maalin walba sii waalanayso.


Isha warka: CENTCOM, The New York Times, Axios, Al Jazeera, CNN, NBC News, Bloomberg, Anadolu Agency, wakaaladaha Tasnim iyo Mehr, iyo Wasaaradda Caafimaadka Iiraan.

HM