Mareykanka oo markale xeebta Venezuela ka qabtay markab Batrool sida

21 December, 2025

Qabsashada markabkan ayaa timid iyadoo madaxweynaha Mareykanka Trump uu amray in la joojiyo maraakiibta shidaalka qaada ee la mamnuucay inay soo galaan ama ay ka baxaan Venezuela.

Venezuela ayaa Mareykanka ku eedaysay “xatooyo iyo afduub” markab gaar loo leeyahay.

Ilaalada Xeebaha Mareykanka, oo taageero ka helaya militariga, ayaa qabsaday markab kale oo shidaal ah oo ku sugan xeebta Venezuela, sida ay sheegtay Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka Kristi Noem.

Adeegga dabagalka maraakiibta MarineTraffic ayaa sheegay in markabka saliidda cayriin uu wato calanka dalka Panama dhawaana uu ka howlgalayay xeebta Venezuela.

Waa markii labaad ee Mareykanku uu la wareego markab shidaal qaada oo ka soo shiraacday Venezuela.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amray in la xiro xeebaha dalkaas, iyadoo maraakiibta Mareykanku ay qaban doonaan maraakiibta shidaalka ee cunaqabateynta la saaray ee soo galaya ama ka baxaya Venezuela.

Dowladda Venezuela ee uu hogaamiyo Nicolas Maduro ayaa soo saartay bayaan rasmi ah oo ku saabsan qabsashada markabka shidaalka qaada, iyadoo cambaareysay Mareykanka falalkiisa.

Venezuela waxay sheegtay in “falalkan laga jawaabi doono” waxayna ballan qaaday inay qaadi doonto tallaabooyin dheeraad ah “oo ay ku jiraan dacwad u gudbin Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.” Venezuela waxay ku tilmaantay qabsashada “fal burcad badeednimo caalami ah.”