Washington, DC – Xarunta Pentagon-ka ayaa ku dhawaaqday in duqeymaha militariga Mareykanka ee ka dhanka ah Iran ay dib u dhigeen barnaamijkii Nukliyeerka ee dalka hal sano ilaa laba sano,

Qiimeyntan oo daba socotay sheegashadii madaxweyne Donald Trump ee ahaa in barnaamijkaas “la tirtiray”.
Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sean Parnell ayaa Arbacadii sheegay in saddexdii xarumood ee Nukliyeerka Iran ee la beegsaday la burburiyay, isagoo ku celceliyay hadalka Madaxweynaha. Waxa uu ku ammaanay weerarradaas “hawlgal geesinimo leh”.
“Waxaan dib u dhac ku samayney barnaamijkooda hal ilaa laba sano ugu yaraan,” Parnell ayaa u sheegay suxufiyiinta. “Qiimaynta sirdoonka ee gudaha waaxda ayaa taas qiimeeya.”
Tan iyo markii Maraykanku uu diyaaradaha B-2 ah u diray Iran bishii Juun 21, Trump wuxuu si joogto ah u dhaleeceeyay soo jeedin kasta oo ah in weerarradu aysan burburin xarumaha Nukliyeerka ee waddanka. Waxa uu ku adkaystay in barnaamijka Nukliyeerka Iran uu “la tirtiray si aan dib danbe loo arki doonin”.
Qiimayn bilow ah oo ay sameeyeen sirdoonka Maraykanka oo si qarsoodi ah loo siiyey dhowr warbaahin bishii hore ayaa lagu sheegay in weeraradaasi ay ku guuldareysteen in ay burburiyaan qaybaha muhiimka ah ee barnaamijka Nukliyeerka Iran ayna dib u dhigeen shaqadiisa bilo.
Dhankeeda, Tehran ayaa aad uga xumaaday in saraakiil Iiraaniyiin ah ay faahfaahin ka bixiyeen xaaladda goobaheeda Nukliyeerka.
Qaar ka mid ah saraakiisha Iran ayaa sheegay in xarumahaasi uu burbur xooggan ka soo gaaray weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil. Laakiin hogaamiyaha ugu sareeya Ali Khamenei ayaa todobaadkii hore sheegay in Trump uu “buunbuuniyay” saameynta weerarada.
Ma jirto qiimeyn madax bannaan oo lagu sameeyay natiijada ka dhalatay weerarrada Mareykanka, kaasoo qeyb ka ahaa dagaal 12 maalmood socday oo u dhaxeeyay Israa’iil iyo Iran.