Mareykanka oo shaaciyey muuqaalo duqeyntii buuraha Calmiskaad ee Puntland – Video

3 February, 2025

Muuqaaladan ayaa muujinaya baaxada duqeymaha ka dhacay buuraleyda Calmiskaad ee gobalka Bari.

Militariga Mareykanka ayaa maanta shaaciyey muuqaalka duqeymihii ay la beegsadeen buuraha Calmiskaad oo ay ku dhuumaleysanayaan kooxda Daacish 1dii Febaraayo.

Donald Trump ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in weerar diyaarado dagaal lala beegsado kooxda Daacish ee ka dagaalanta Puntland.

Trump ayaa qoraalkiisa ku sheegay: “Fariinta ku socota ISIS iyo dhammaan dadka kale cadowga ku ah Mareykanka “waan ku heli doonnaa, waana ku dili doonnaa!”

War qoraal ah oo uu soo saaray xoghayaha difaaca Pete Hegseth ayuu ku yiri “qiimayntayada bilawga ah waxay tahay in hawl-wadeeno badan lagu dilay duqeymaha cirka mana jiraan dad rayid ah oo waxyeelo soo gaartay”.

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Puntland, General Aadan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in duqeynta ay la beegsadeen ugu yaraan 10 goobood oo Daacish ay ku leeyihiin deegaanka Cal-Miskaad oo ka tirsan Buuraha Golis.

“Weerarka waxaa lagu bartilmaameedsaday ilaa 10 goobood oo ka tirsan deegaanka Cal-Miskaad, oo u badan godad, waxaana rumeysannahay in lagu dilay maleeshiyaad badan,” ayuu yiri Jeneraalka.