Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen xarumaha militariga Iiraan ka dib markii Iiraan ay weerartay saddex markab oo ah kuwa dagaalka ee Mareykan oo marayay marin biyoodka Hormuz.

Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah maraakiibtooda dagaalka la weeraray, halka Iiraan ay sheegtay in duqeymaha Iiraan ay “khasaare weyn geysteen”.
Kadib weerarkan, Madaxweynaha Mareykanka Trump ayaa sheegay in xabad joojintii bisha ahayd ee lala galay Iiraan ay weli “jirto.” Wuxuu isku dayay inuu hoos u dhigo is-weydaarsiga duqeymihii ugu danbeeyey.
Wuxuu soo jeediyay in wadahadallada socda ee lala yeelanayo Iiraan ay weli sii socdaan, isagoo u sheegay wariyeyaasha, “Waxaan weli la gorgortamaynaa Iiraaniyiinta.”
Dhinaca kale, ciidanka Mareykanka ayaa sheegay inay curyaamiyeen laba markab oo Iiraaniyiin ah kahor inta aysan ku xiran deked Iiraan ee ku taal Gacanka Cumaan.
Maraakiibta, oo labaduba ah nooca shidaalka qaada, ayaa la curyaamiyay kadib markii rasaas lagu riday, sida ay sheegeen militariga Mareykanka.
Tani waxay imaanaysaa iyadoo Mareykanka iyo Iiraan ay sii wadaan inay isku eedaynayaan inay jebiyeen xabbad joojinta labada dal.
Iiraan waxay sheegtay in Mareykanku uu jebiyay xabad joojinta, laakiin waxay sheegtay in xaaladdu hadda caadi ku soo noqotay.
“Ficilkii xalay la fuliyay wuxuu ahaa mid si cad u jebinaya sharciga caalamiga ah iyo jebinta xabad joojinta,” ayuu yiri afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iiraan Esmail Baqaei sida ay soo xigatay wakaaladda wararka ee ISNA.



