Mareykanka oo VISA u diiday Madaxweyna Falastiin kulanka Qaramada Midoobay

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa laga horjoogsaday golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kadib markii Mareykanka u diiday Visa- dal ku galka.

30 August, 2025

Mareykanka ayaa fiisaha kala noqday wafdiga Falastiin oo gaaraya 80 sarkaal ka socday Ururka Xoreynta Falastiin iyo Maamulka Falastiin.

Mamnuucida dal ku galka ayaa ka joojin doonta madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas inuu ka qeyb galo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas inuu u safro magaalada New York bisha soo socota si uu uga qeyb galo shirka Qaramada Midoobay, halkaasi oo lagu wado in dhowr dal oo kamid ah xulafada Mareykanka ay aqoonsadaan dowladnimada Falastiin.

Cabbaas ayaa qorsheynayay inuu ka qeyb galo shir sanadeedka heerka sare ee Qaramada Midoobay, ka dibna shir madaxeed ay France, Australia iyo Canada ku balan qaadeen inay si rasmi ah u aqoonsan doonaan dowlad Falastiin ah. Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sidoo kale wacad ku martay inay aqoonsan doonto dowladnimada Falastiin, haddii Israel ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood ee shirka Golaha loo dhan yahay.

Xafiiska Cabbaas waxa uu sheegay in uu aad ula yaabay go’aankaas oo uu sheegay in uu jabiyay “Heshiiska Xarunta Dhexe ee Qaramada Midoobay” 1947-kii kaas oo dhigaya in Maraykanku u ogolaado inay dublamaasiyiinta Caalamka ka qeyb galaan shirka Qaramada Midoobay ee New York.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Trump, ayaa sheegay inay u diidi karaan dal-ku-galka sababo amni, xag-jirnimo iyo arrimo siyaasadeed oo dibadda ah.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in maamulka Falastiin ee PLO ay ku guuldareysteen inay ka tanaasulaan xagjirnimada iyagoo riixaya “aqoonsi hal dhinac ah” oo ah dowlad Falastiini ah.