Mareykanka oo wada Qorshe lagu dhisayo ciidamo illaaliya Badda Cas

Maraykanka ayaa wada hadalo la yeelanaya xulafadiisa si loo dhiso ciidan illaalada badda cas ah oo…

6 December, 2023

Maraykanka ayaa wada hadalo la yeelanaya xulafadiisa si loo dhiso ciidan illaalada badda cas ah oo ilaaliya maraakiibta.

“Sida aad shalay maqasheen… waxaan wada tashi kula jirnaa la-hawlgalayaasheenna iyo xulafadayada oo ku saabsan guddi hawleedka badda,” afhayeenka Pentagonka Patrick Ryder ayaa sidaa u sheegay saxaafada.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad, Jake Sullivan, ayaa Isniintii ku dhawaaqay in Maraykanku uu wada-hadallo kula jiro dalal kale oo ku saabsan samaynta ciidan si loo xaqiijiyo marinka badda cas.

Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay sare u qaaday weerarada ay la beegsanayaan maraakiibta mara badda cas, gaar ahaan kuwa laga leeyahay Israel.

Horseed Media