Mark Carney oo ku guuleystay jagada Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Canada

10 March, 2025

Mark Carney oo ka adkaaday saddex musharax oo kula loolamayay hoggaanka xisbiga Liberal-ka, ayaa ku guuleystay doorashadii Canada ka dhacday oo uu ku bedelayo Raysal wasaarihii hore Justin Trudeau.

Guddoomiyihii hore ee Bankiga Canada iyo Bankiga Ingiriiska ayaa si aqlabiyad ah kaga adkaaday kooxdii la tartamaysay si uu ugu guuleysto hoggaanka Canada.

Waxa ugu horreeya ee uu Carney ballan qaaday waxa ay ahayd in uu ku guuleysto dagaalka ganacsi ee ka dhanka ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump isla markii uu ku dhawaaqay in uu xilka cusub la wareegay xilli qalalaase ba’an uu dalka ka dhacay.

Ninkan ayaa qaybaha ugu badan khudbadiisa guusha ku weeraray madaxweynaha Maraykanka oo canshuur ku soo rogay Canada.

Waxa uu rumeysan yahay in Trump uu doonayo in uu Canada ka dhigo gobolka 51-aad ee Mareykanka, isagoo yiri: “Mareykanku waa inaysan samayn khaladkan xagga ganacsiga, sida xeegada, Canada ayaa ku guuleysan doonta.”

Horseed Media