Markab ganacsi oo kooxo burcad-badeed ah ku afduubteen xeebaha Somalia.

6 November, 2025

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab ganacsi oo kooxo burcad badeed ah ay afduub…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab ganacsi oo kooxo burcad badeed ah ay afduub ugu geysteen xeebaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa gobolka Nugaal.

Sida ay baahisay wakaaladda warar ee AP Markabkan oo ku gooshayay calanka Malto lagana leeyahay dalka Giriigga, ayaa ka soo safray dekedda Sikka ee dalka Hindiya, kuna sii jeedey magaalada Durban ee dalka Koonfur Afrika.

Markabka oo lagu magacaabo Hellas Aphrodite ayaa xilligii afduubay marayay meel qiyaastaii 560 meyl u jirta xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya, xilli ay saarnaayeen 24 shaqaale ah.

Kooxaha geystey afduubkaan oo la rumaysan yahay inay Soomaali yihiin ayaa qabsashadiisa u adeegsadey dooni kalluumaysi oo laga lee yahay dalka Iran, sida lagu sheegay warbixinta.