Puntland ayaa xeebaha gobolka Raas-casayr ee Bariga Puntland ku qabatay markab nooca xamuulka ah oo hub,…
Puntland ayaa xeebaha gobolka Raas-casayr ee Bariga Puntland ku qabatay markab nooca xamuulka ah oo hub, sahay ciidan iyo gaadiid dagaal u sidey dekedda Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.
Markabkan oo magaciisu yahay Sea World oo ku gooshaya Calanka jasiiradda Comoros, waxa uu ka soo shiraacday dalka Turkiga, waxaana uu shixnad hub ah, oo ay ku jiraan ka kooban beebayaal iyo gaadiidka gurmadka deg deg ah u sidaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiil baaritaan ku samaysay.
Muuqaalo iyo sawirro laga soo qaaday dusha sare ee markabka ayaa muujinaya tirada gaadiidka dagaalka ee uu sidey oo uu ku xardhan yahay calanka dowladda Turkiga oo taageerta ciidanka Somalia ee ku sugan Koonfurta dalka.
Puntland oo dagaal kula jirta argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo kooxda Alshabaab ayaan wax qoondo ah abid ka helin taageerada farsamo, tababar, hub iyo dhaqaale ee caalamku siiyo Soomaaliya.



