Markab kalluumaysi oo lagu afduubtay xeebaha Bari ee Puntland.

1 January, 2026

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay koox hubaysani deegaan xeebeedka Kulule ee degmada…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay koox hubaysani deegaan xeebeedka Kulule ee degmada Bander-beyla oo katirsan gobolka Karkaar ugu geysteen Markab nooca kalluumaysiga ah.

Markabkan kalluumeysi oo ay wakiilo ka yihiin senator Daahir Ayaanle iyo ganacsade Maxamuud Shiddo ayaa la xaqiijiyey inuu si buuxda gacanta ugu galay kooxaha burcad-badeedda ah, kadib iskacaabin ay saqdii dhexe ee xalay kala kulmeen ilaalada Markabka.

Hal ruux oo Soomaali ah kana tirsanaa ilaalada markabka ayaa la xaqiijiyey inuu goobta ku geeriyoodey iyadoo ay dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen laba kale oo ajaaniib ah.

Maraakiib nooca dagaalka ah ka soo ruuqaansaday dhinaca badweynta Hindia ayaa hadda ku hareeraysan markabkii iyo kooxdii afduubtay, sida ay weriye Cabdiraxmaan Ciise oo ku sugan Puntland u sheegeen ilo wareedyo dhanka ammaanka ah.