Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay aroortii Sabtida in markab shidaal lagu dhuftay…

Hay’adda Hawlgallada Ganacsiga Badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay aroortii Sabtida in markab shidaal lagu dhuftay gantaal ama walax aan weli la aqoonsan, iyadoo dhacdadu ka dhacday qiyaastii 4 mayl-badeed dhanka bari kaga beegan Cumaan.
UKMTO waxay sheegtay in dhammaan shaqaalaha markabka ay badqabaan, iyadoo xilligan aan la soo sheegin wax saameyn deegaanka ah, iyadoo maamulka shirkaddu ay baaritaanno ku wadaan dhacdadaasi.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo toddobaadyadii u dambeeyay ay jireen weerarro iyo dhacdooyin amni oo isdaba joog ah oo ka dhacay Marinka Hormuz iyo biyaha ku dhow Cumaan, kuwaas oo dhowr markab shidaal iyo kuwo ganacsi lagu dhuftay walxo aan la aqoonsan.
AKHRISO WARBIXINTA UKMTO
UKMTO waa hay’ad bixisa xogta iyo digniinaha amniga badda, gaar ahaan marinno muhiim ah oo ganacsi oo ku yaalla Bariga Dhexe iyo Badweynta Hindiya. Hay’addu waxay sheegaysaa inay muddo ka badan 25 sano ka shaqaynaysay taageeridda badmaaxiinta, shirkadaha maraakiibta iyo hay’adaha gobolka, iyadoo siinaysa xog amni oo la hubiyey.
UKMTO waxay si dhow ula shaqaysaa dhinacyada kala duwan ee amniga iyo ganacsiga badda, waxayna soo saartaa digniino iyo warbixinno la xaqiijiyey oo ku saabsan dhacdooyinka amniga badda. Waxay sidoo kale leedahay nidaam ay maraakiibtu si iskood ah ugu soo gudbin karaan warbixinnada dhacdooyinka amni.




