Markab Shidaal u sidey Dekadda Bosaso oo lagu afduubtey Gacanka Cadmeed

Markabka Asana, oo sita calanka Tanzania, islamarkaana ahaa markab qaada shidaal iyo kiimikooyin ayaa ku jeedey dekedda Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

17 July, 2026

Bosaso – Burcad-badeed looga shakisan yahay inay Soomaali yihiin ayaa Jimcihii fuulay markabka kiimikooyinka iyo shidaalka qaada ee Asana, xilli uu marayay koonfurta Yemen, sida ay sheegeen hay’adaha ammaanka badda ee Britain. Weerarkan ayaa muujinaya dib u soo laba-kacleynta khatarta burcad-badeedda ee Gacanka Cadmeed, iyadoo gobolka uu horeyba u wajahayey xiisado amni oo ka jira Badda Cas.

Sida ay sheegtay Xarunta Ganacsiga Maraakiibta ee Boqortooyada Ingiriiska (UKMTO), markabka waxaa fuulay “shakhsiyaad aan loo oggolayn” kadib markii uu diray farriin degdeg ah (distress call) isagoo u socdaalayay dhanka galbeed. Weerarku wuxuu ka dhacay koonfurta gobolka Al-Mukalla ee Yemen.

Shirkadda ammaanka badda ee Ambrey ayaa sheegtay in weerarka ay u badan tahay inay fuliyeen burcad-badeed Soomaali ah. Warbixintu waxay intaas ku dartay in markabku aanu lahayn ilaalo hubeysan, halka markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Kuuriyada Koonfureed uu u dhaqaaqay si uu gargaar u gaarsiiyo.

Xogta raadraaca maraakiibta ayaa muujisay in markabka la weeraray uu yahay Asana, oo sita calanka Tanzania, islamarkaana ahaa markab qaada shidaal iyo kiimikooyin. Markabku wuxuu kusii jeeday dekedda Boosaaso ee Puntland, Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo degdeg ah oo ka soo baxay ilaalada xeebaha Yemen ee fadhigoodu yahay magaalada Cadan, kuwaas oo aan weli ka jawaabin codsiyo warbaahineed oo ku saabsan dhacdadan.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyey ee ka dhaca marin-biyoodka muhiimka ah ee Gacanka Cadmeed, halkaas oo bilihii la soo dhaafay ay dib uga soo muuqdeen falal burcad-badeednimo kadib sannado ay hoos u dhacayeen.

Bishii Luulyo 1-deedii, kooxo looga shakisan yahay burcad-badeed Soomaali ah ayaa weeraray markab marayay meel qiyaastii 76 mayl-badeed u jirta dekedda Balhaf ee koonfur-bari Yemen. Sida UKMTO sheegtay, afar nin oo hubeysan oo saarnaa doon yar ayaa markabka u geystay dhaawac fudud.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa Khamiistii heshiis la saxiixday dowladda Jabuuti si loo xoojiyo howlgalka ciidamada badda ee ka hawlgala Badda Cas, iyadoo laga jawaabayo khataraha ka imanaya fallaagada Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto, kuwaas oo marar badan hanjabaad u jeediyey maraakiibta ganacsiga.

Khubarada ammaanka ayaa sheegaya in isku biirka xiisadaha ka taagan Badda Cas iyo dib u soo noqoshada burcad-badeedda Soomaaliyeed ay sare u qaadeen walaaca laga qabo ammaanka maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee isku xira Badweynta Hindiya iyo Kanaalka Suweys.

Illaa iyo hadda lama shaacin xaaladda shaqaalaha saarnaa markabka Asana ama in wax dhaawac ah ay ka dhasheen weerarka, iyadoo baaritaannadu ay weli socdaan.

HORSEED MEDIA