Markab shidaal u sidey dekedda Garacad oo lagu afduubtay xeebaha Bari.

24 April, 2026

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa xeebaha degmada Bander-bayla ee gobolka Karkaar afduub ugu geystey markab nooca…

Koox burcad-badeed Soomaali ah ayaa xeebaha degmada Bander-bayla ee gobolka Karkaar afduub ugu geystey markab nooca xamuulka ah oo ku siijeedey dekedda Garacad ee xeebaha gobolka Mudug.

Markabkaan ganacsi oo laga leeyhaya dalka Pakistan ayna saaran yihiin shaqaale u kala dhashay dalalka Hindiya iyo Pakistan, ayaa sidey shidaal ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed, sida ay HM u shegeen ilo wareedyo ku sugan Garacad.

Xilliga afduubka ayaa la xaqiijiyey in markabku marayey meel qiyaastii 30 mile u jirta degmada Banderbayla, waxaana hadda lagu haystaa deegaanka Dharinbaar oo ka tirsan degmadaas.

Wararka aannu ka helayno deegaanka ayaa sheegaya in kooxda markabka afduubtay ay wajahayaan cadaadis dhanka deegaanka ah maadaama markabku uraran yahay ganacsato Soomaaliyeed, iyadoo lafilayo inay ka degaan.