Markab shidaal u sidey dekedda Magaalada Muqdisho oo lagu afduubtay xeebaha Somalia.

30 May, 2026

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya markab ganacsi oo ku siijeedey dekedda Magaalada Muqdisho ayna…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya markab ganacsi oo ku siijeedey dekedda Magaalada Muqdisho ayna kooxo burcad ah ku afduubteen xeebaha durugsan ee gobolka Bari oo katirsan Puntland, sida xoguhu muujinayaan.

Saraakiil maxalli ah iyo milatariga Boqortooyada Midowday (UK) ayaa sheegay in markabka lagu qabsaday deegaanka u dhexeeya Xaafuun iyo Bandarbayla maalintii Arbacada, xilli uu safar kaga yimid magaalada Berbera kuna sii jeeday Muqdisho.

Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) ayaa xaqiijisay dhacdada, iyadoo sheegtay in dad aan loo oggolayn ay la wareegeen gacan ku haynta markabka islamarkaana ay ku dhex wadeen biyaha Soomaaliya.

Markabkan oo shidaal sidey ayna leeyihiin ganacsato Pakistani ah ayaa siday shidaal, ayaan weli la shaacin tirada shaqaalaha ee saarnaa iyo dalalka ay ka soo kala jeedaan, xilli ay sii kordhayaan weerarada ka dhanka ah maraakiibta maraya xeebaha Somalia tan iyo bilowga dagaalkii Bariga dhexe.