Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ku sii jeedey…

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab u rarnaa ganacsato Soomaaliyeed oo ku sii jeedey dekeedda Magaalada Boosaaso, kana soo shiraacday dekedda Porbandar oo ka tirsan Gobolka Gujarat ee dalka Hindiya.
Laamah dab-damiska dalka India ayaa shaaca ka qaaday in markabkaan oo 950 ton oo bariisa iyo 100 ton oo sonkor u siday dekedda Boosaaso uu dab ku qabsaday badweynta dhexdooda.
Gurmad dab-demis oo ay dirtay dowladda Hindiya ayaa si deg deg ah ugu baxay goobta uu ku gubtey Markabka, inkastoo aan xog rasmi ah laga bixin tirada hantida laga soo badbaadiyey markabkaasi.
Qaar kamid ah warbaahinta India ayaa baahiyey sawirro iyo muuqaalo muujinaya dab xooggan oo ka baxaya markabka dushiisa, waxaana ay sheegeen in uu dabku ku sii fidayo markabka, balse uu socdo gurmad Samata-bixin ah.



