Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday markab sidey xoolo nool oo ka…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar lagu qaaday markab sidey xoolo nool oo ka shiraacday magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari kuna sii jeedey dalalka Khaliijka Carabta.
Sida ay sheegtey Xarunta Marine Traffic, Markab xoolo ka qaaday magaalada Boosaaso ee Puntland ayaa la weeraray xilli uu marayay xeebaha Badda-cas ee dalka Yemen, isagoo ku sii jeedey dekedda Jidda ee Boqortooyada Sucuudi Careebiya.
Koox hubaysan ayaa rasaas ku furay markabka Merinos Livestock oo laga leeyahay Giriigga, iyaga oo ku khasbay in uu u leexdo dekedda Mokha ee Yemen.
Majiro wax khasaare ah oo laga soo weriyey weerarkaan, waxaana uu ku soo aadayaa xilli ay kor u sii kacayaan xiisaddaha amni-darro ee Badda-cas, xaaladda dalka Yemen darteed.



