Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa magaalada Boosaaso soo gaarsiiyey markabka HONOUR 25, oo ku gooshaayey…

Ciidamada Difaaca Puntland ee PMPF ayaa magaalada Boosaaso soo gaarsiiyey markabka HONOUR 25, oo ku gooshaayey calanka Jasiiradda Palau, kaddib markii ciidamadu 29-kii Sebtembar 2026 ka soo badbaadiyeen kooxo burcad-badeed ah oo hore u afduubtay. Markabka ayaa maanta Boosaaso yimid, waxaana kormeer ku sameeyey mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Puntland.
Saraakiisha PMPF ee gacanta ku hayey markabka ayaa mas’uuliyiinta siiyey warbixin ku saabsan xaaladda markabka, shaqaalaha saaran, hantida markabka iyo guud ahaan badqabka shaqaalaha. Sidoo kale waxaa laga warbixiyey burcad-badeedda lagu qabtay hawlgalka, kuwaas oo sida saraakiishu sheegeen loo gudbiyey laamaha kale ee amniga ee ku shaqada leh.
Mas’uuliyiinta markabka ayaa Dowladda Puntland uga mahadceliyey hawlgalkii lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihiisa, iyagoo bogaadiyey dadaalka ciidamada PMPF iyo sida ay uga falceliyeen xaaladda. Saraakiisha Puntland ayaa iyaguna sheegay in ciidamada ammaanka ay sii wadi doonaan hawlgallada lagu ilaalinayo xeebaha iyo ka hortagga falalka burcad-badeednimada.
Mas’uuliyiinta Xukuumadda Puntland ayaa fariin adag u diray kooxaha ku lug leh burcad-badeednimada, iyagoo sheegay in cid kasta oo lagu qabto falal noocaas ah sharciga la horgeyn doono. Dowladda Puntland ayaa sheegtay inay ka go’an tahay xoojinta amniga xeebaha, ka hortagga burcad-badeednimada iyo la dagaallanka dambiyada ka dhaca badda.






