Markabka shidaal qodista Turkiga ee Çağrı Bey ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia,…

Markabka shidaal qodista Turkiga ee Çağrı Bey ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia, isaga oo guda-geleya qodista shidaalka xeebaha Galmudug, kaas oo soo-saaristiisu qaadanayso sannado kale.
Madaxda sare ee dalka oo uu ka mid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inay ka qeybgalaan soo dhaweynta markabkaan loogu samaynayo dekedda Magaalada Muqdisho.
Ilo wareedyo Madax-banaan ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in Markabku todobaadada soo socda u jihaysan doono xeebaha Galmudug, halkaas oo laga wado sahanno shidaal, si loo dardargeliyo qorshaha soo saarista shidaalka dalka.
DFS oo guda-gashay in ay doorashooyin toos ah ka qabato Dowlad-goboleedyada Koonfurgalbeed, Galmudug & Hirshabeelle ayaa imaanshaha markabkani u aragta fursad kale oo ay ku yaraynayso mucaaradka gudaha.



