Dhallinyarada Marooko ayaa ka careysan sinnaan la’aanta bulshada waxayna dalbanayaan waxbarasho iyo daryeel caafimaad oo wanaagsan.

Mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda oo ka dhashay xaalad liidata adeegyada bulshada ee Morocco ayaa Arbacadii isu beddelay rabshado, iyadoo laba qof lagu dilay markii ay askartu rasaas ku fureen koox dad ah oo isku dayay inay “xoog ku gaalaan” saldhig boolis oo ku yaal magaalada Lqlia, oo u dhow magaalo xeebeedka Agadi, sida ay sheegtay warbaahinta dawladdu.
Kooxdan oo ku hubeysnaa Mindiyo, ayaa gudaha u galay goob ay ku sugnaayeen ciidamada ammaanka, kadibna ay dab qabadsiiyeen, taasoo keentay in ciidamada ammaanka ay adeegsadaan rasaas nool si ay isku difaacaan, sida ay sheegeen maamulka deegaanka.
Baaritaanka garsoorka ee dhacdada ayaa la furay, sida ay saraakiishu sheegeen.
Waxay muujinaysaa isbeddel dhimasho leh oo ku yimid mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday ee markii hore ahaa banaanbaxyo dhalinta ku dalbanayeen dib-u-habaynta caddaaladda iyo adeega bulshada.
Wasaaradda arrimaha gudaha ee Morocco ayaa sheegtay in in ka badan 400 qof ilaa hadda la xiray, ku dhawaad 300 oo kalena ay dhaawacmeen intii ay socdeen isu soo baxyada.
Cabashada ugu weyn ayaa ah in dowlada Marooko dhaqaale baddan ku bixineyso dhismaha garoomada ciyaaraha iyo u diyaar-garowga martigelinta Koobka Afrika iyo Koobka Adduunka ee Fifa 2030, iyadoo ay dayaceen adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada dhalinyaradda.



