Martidii caana-shubka Ugaaska oo dalbaday in la nabadeeyo beelaha gobolka Mudug.

Qaar kamid ah isimadii dhaqanka iyo siyaasiyiintii ka qaybgalay caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ee degmada…

8 February, 2026

Qaar kamid ah isimadii dhaqanka iyo siyaasiyiintii ka qaybgalay caana-shubka Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed ee degmada Galdogob ayaa ku baaqay inaan loo kala harin nabadaynta dagaal beeleedyada gobolka Mudug.

Wasiirka arrimaha gudaha DFS, Cali Yuusuf Cali Xoosh oo hadlay waxa uu sheegay inay Puntland iyo Galmudug kala shaqayn doonaan sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalada gobolka oo soo laalaabtay.

“Waxaan diyaar u nahay nahay nabadaynta Mudug, waana kala shaqaynaynaa Puntland & Galmudug, dalkeena waxa soo farageliyey dowlado shisheeye waa in aan ka wadajirno oo waxaan isku khilaafsanahay meel iska dhigno”, Ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Dhankooda qaar badan oo kamid ah isimadii dhaqanka ee ka qaybgalay munaasabadda caana-shubka Ugaaska ayaa siweyn u booriyey inaan lookala harin nabadaynta gobolka Mudug.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, oo kamid ah isimada dhaqanka deegaamada Waqooyi Bari ayaa yiri, “Waxaan Madaxweyne Deni, Madaxweyne Qoorqoor iyo isimmada Mudug kala shaqaynaynaa in nabad la dhexdhigo dhammaan dadkeena Mudug.”

Suldaanka Beesha Sacad HG, Suldaan Cabdinaasir: “Madaxweyne Deniyow waxaa nabadaysay Mudug ee dalkana midee oo u kac.. Ugaas Cabdiraxmaan waan garab taaganahay nabad ayaana halkan ugu nimi walaalahayo Leelkase.”

Dhankiisa Islaam Bashiir Islaan Cabdulle oo kamid ah simada dhaqanka gobolka Mudug ayaa sheegay in, “Soomaaliya xaaladeeda maanta waxa aan uga bixi karnaa midnimo & wadajir waa in aan taas u wada istaagno.”