Maryam Qaasim oo loo doortay guddoomiyaha xaquuqul Aadamaha Somalia.

4 February, 2026

Guddiga xuquuqul Insaanka Somalia oo ay sanadkii hore dhistay dowladda Somalia ayaa maanta Muqdisho ku galay…

Guddiga xuquuqul Insaanka Somalia oo ay sanadkii hore dhistay dowladda Somalia ayaa maanta Muqdisho ku galay doorasho aad u xooggan oo lagu dhisayey hoggaanka ugu sarreeya guddigaasi.

Guddoonka guddiga xuquuqul Insaanka Somalia ayaa waxaa siweyn ugu loolamay Drs Maryan Qaasim Axmed iyo Musharax Cumar Cabdulle Calasow oo siweyn uga dhex muuqdey xubnaha guddiga.

Madaxtooyada Somalia ayaa looga guuleystey doorashada kadib markii laga adkaaday Cumar Cabdulle Calasow oo uu Madaxweynaha Somalia siweyn uga rajo qabey inuu ku soo boxo guddoonka sare ee guddigaasi.

Wasiirkii hore ee Arrimaha-bulshada JFS, Dr. Maryam Qaasim ayaa ku guuleysatay Guddoomiyaha Guddiga-madaxabanaan ee Xuquuqul-aadanaha Soomaaliya oo markii u horreysey dalku yeeshey, iyada DFS la soo wareegtey maamulka xuquuqda-aadaanaha ee dalka.