Hoggaamiyayaasha kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in muddadii uu…

Hoggaamiyayaasha kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in muddadii uu socdey dagaalka Bariga dhexe ay dileen 13 askari oo Maraykan ah, kadib 291 hawlgallo qorshaysan ah oo ay fuliyeen.
“Mujaahidiinta iska-caabbinta Islaamiga ah ee Ciraaq waxay 24-kii saac ee la soo dhaafay fuliyeen 31 hawlgal, iyagoo adeegsanaya tobannaan diyaarado aan duuliye lahayn (drones) iyo gantaallo, kuwaas oo lagu weeraray saldhigyada ciidammada gumeysiga ee Ciraaq iyo gobolka”, Ayaa lagu yiri qoraalka.
Xoogaggaan taageersan Iran ayaa warkooda intaas ku daray,”Sidaas darteed tirada guud ee hawlgallada 12-kii maalmood ee la soo dhaafay waxay gaartay 291 hawlgal, kuwaas oo sababay dilka 13 askari oo Mareykan ah iyo dhaawaca tobannaan kale, qaarkoodna dhaawacyo culus ay soo gaareen.”




