Shirkada laga leeyahay dalka Masar ee Dolphinus ayaa la sheegay inay gaaska dabiiciga ah kasoo iibsan…
Shirkada laga leeyahay dalka Masar ee Dolphinus ayaa la sheegay inay gaaska dabiiciga ah kasoo iibsan doonto shirkada Israel, heshiiskan oo socon doona muddo 10 sano ah.
Dalka Masar oo isagu leh kaydka gaaska dabiiciga ayaa sanadkii 2005 saxiixay inuu gaaska siin doono Israel, balse heshiiskaasi ayaa waxaa ka horyimid shacabka Masar oo ku dhaliilay dowladii Xusni Mubarik inay gaaskooda ka iibiso maamulka Yahuuda.
Balse Israel ayaa ku guuleysatay sanadadii 2009 iyo 2010 inay badeeda kasoo saarato gaaska dabiiciga ah, waxayna heshiiskii ugu horeysay la gashay dalka Jordan (Urdun), heshiiskaasi gaaska oo socon doona 15 sano ayey dowlada Jordan dhaqaale gaaraya 10 bilyan oo dollar ku iibsaneysaa gaaska Israel.
Heshiiskan labaad ee Israel la saxiixatay Masar ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey Raysalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo heshiiskan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo xoojin doona dhaqaalaha iyo amniga Israel.
ÎÉÎáÎÖ Î×ÎæÎ¿ÎÜ ÎóΣ ÎöÎöÎíÎøÎØ ÎöÎöÎÖÎíÎÿÎòοÎÖ Î£ÎÖÎÖΪÎòÎÉ ÎÆÎû ÎÖήοÎÉΣÎÖ Î£Î×ΪοÎÖÎØ. ÎûÎö ÎÖÎøÎáÎÖÎí Î×ÎÖΣÎÖÎÉοÎôÎÖÎØ ΣκÎòÎñά ÎöÎ×ÎôÎÖÎáÎö – ΣÎÿÎòÎæÎ¬ ÎöÎùÎÖÎáÎòÎÜ, ÎöÎæÎ¿ÎÖÎÉÎòά ÎòÎöοÎòÎòÎùÎö ήΣ ÎÉÎûοÎùÎÖ ÎÖήοÎÉΣ.
ÎöÎ¿ÎæÎö ΣÎÉ ÎöÎÉÎ×ÎÖÎáÎò ÎæÎ×άÎòÎòÎö ÎöÎÆÎû. ÎöÎòÎæÎ£ÎáÎò ÎÉÎòάÎò Î×άÎòÎÜ ÎÖÎôÎÖÎóÎö ήÎûÎö ÎÖÎùÎûκ ÎÉά ÎöÎæÎÖÎÿÎùÎò΃ ÎÉά ÎöÎøÎ£ÎøÎ£Îö, ÎÉά ÎöÎÖÎùÎíÎÖÎØ ÎöÎÉÎûÎòοÎÖÎÖÎØ – ÎòÎ×ÎóΣ ÎöÎøÎ£ ÎÉά ÎÉÎûοÎùÎÖ ÎÖήοÎÉΣ. ÎûÎöÎò ÎÖÎòÎØ ÎùÎÆ! pic.twitter.com/CwQ4VwyZiG
— Benjamin Netanyahu (@netanyahu) February 19, 2018
Horseed Media




