Masar, Urdun iyo Falastiin oo diiday soo jeedinta Trump ee ah in la barakiciyo shacabka Qaza

27 January, 2025

Dalalka Masar, Urdun iyo Falastiin ayaa ku dhawaaqay inay si cad u diiddan yihiin hadallada Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo uu ku sheegay inay jeclaan lahaayeen inay arkaan Urdun, Masar iyo dalal kale oo Carbeed oo kordhiya tirada Qaxoontiga Falastiiniyiinta ah ee ay qaabilaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Masar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Masar ay ku adkeysaneyso diidmada ku xadgudubka xuquuqda shacabka Falastiin, haddii ay ahaan lahayd in la dejiyo ama la isku dayo ama in dhulkaas laga saaro dadkii lahaa iyadoo la barakicinayo ama lagu dhiirigelinayo in Falastiiniyiinta laga wareejiyo dhulkooda. Tani waxay khatar gelinaysaa xasiloonida, waxay fududaynaysaa fiditaanka colaadaha ee gobolka, waxayna wiiqaysaa fursadaha nabadda iyo wada noolanshaha shucuubta.

Masar ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay ka shaqeyso sidii loo bilaabi lahaa hirgelinta dawladda Falastiin ee dhammaan dhulkeeda Gaza iyo Daanta Galbeed, oo ay ku jirto Bariga Quddus, si waafaqsan go’aannada sharci ee caalamiga ah.

Dhankiisa, wasiirka arrimaha dibadda ee Urdun Ayman Al-Safadi ayaa xaqiijiyay in dalkiisa uu ku dhegan yahay mowqifkiisa uu ku diidayo isku day kasta oo lagu barakicinayo Falastiiniyiinta.

Al-Safadi ayaa mar uu shir jaraa’id qabtay ku nuux nuuxsaday in xalka dhismaha dowlada Falastiin uu yahay dariiqa lagu gaari karo nabad ka dhalata gobolka.