Mashaariicdii caalamku ka fulinjirey Puntland oo gabaabsi ku dhaw.

5 May, 2025

Puntland ayaa markii ugu horreysey shaaca ka qaaday inay gabaabsi marayso kaalmadii caalamiga ahayd ee ay…

Puntland ayaa markii ugu horreysey shaaca ka qaaday inay gabaabsi marayso kaalmadii caalamiga ahayd ee ay dalalka caalamku mashaariicda kaga fulin jireen deegaamada kala duwan ee Puntland.

Madaxweyne ku-xiegenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley oo ka hadlayey shir ka qabsoomay Garoowe ayaa sheegay in adeegyada socda intooda badan ku xirnaayeen kaalmo loona baahan yahay in laysku tashto oo waxqabadka lagu saleeyo dhaqaalaha reer Puntland.

“Lagama maarmaan bay inoo tahay, waxbarashadeena marka la fiiriyo, caafimaadkeena la fiiriyo adeegyada muhiimka ah ee inoo socda waxay ku tiirsan yihiin kaalmo caalami ah, isagiina waa la weynayaa”, Ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor.

“Intaan ka warqabno Hay’adihii caalamiga ahaa ee wadanka ka shaqaynayey, kuwa ay boqol qof ka shaqaynayeen ayaa dad kooban laga reeabay, marka ma waxaynu sugaynaa inta wixii inoo socdey ay shafka dhigayaan, mise waxaynu noqonaynaa dad nool oo dowlad iyo shacab inta isku tiirsadaan waxyaabahaa daboola?” Ayuu yiri markale Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland.