Mashruuca biyo saarista degmada Garoowe oo la kala saxiixday.

2 May, 2025

Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Shirkadda TTN ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixaday heshiis…

Dawladda Hoose ee Garoowe iyo Shirkadda TTN ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixaday heshiis dhismo la xiriira wejiga koowaad ee Mashruuca Biyasaarka magaalada, iyadoo shirkadda dhismaha ee TTN ay noqotay fuliyaha mashruucan muhiimka ah. Maalgelinta mashruucan waxaa bixinaaya Bangiga Adduunka (World Bank), waxaana fulinaysa Dawladda Hoose ee Garoowe.

Mashaariicdii hore ee mashruucan la xiriiray ayaa horey Dawladda Hoose ugu suurtagelisay dhismaha wadooyin iyo buundooyin muhiim ah oo wax weyn ka beddelay nolosha bulshada, isu socodka magaalada, iyo koboca dhaqaale ee Garoowe.

Duqa degmada Garoowe ayaa xusay in mashruucan uu qeyb weyn ka yahay himilada maamulka ee ku aaddan horumar waara, iyadoo diiradda la saarayo adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada.