Munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu soo bandhigay mashruuca horumarinta garoonka…

Munaasabad ka dhacday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa lagu soo bandhigay mashruuca horumarinta garoonka magaalada Gaalkacyo, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ee ka soo qayb gashay loo faahfaahiyay hannaanka dhismaha iyo casriyeynta garoonka diyaaradaha (Abdullahi Yusuf Ahmed International Airport).
Daraasad socotay muddo 12 bilood ah ayaa la soo bandhigay, waxaana soo jeedinteeda iska kaashaday Ganacsato ka tirsan Golaha Horumarinta Gaalkacyo (GDG) iyo khubaro ku xeel dheer garoomada heerka caalamiga ah iyo adeegyada ay bixiyaan.
Intii ay munaasabadu socotay, waxa goobta looga dhawaaqay qaar ka mid ah saamileyda darajada koowaad oo midkiiba yahay $500,000 per share, iyadoo shirkadaha iyo shaqsiyaadka danaynaya saamiyada ku xiga ee qiimahoodu yahay $250,000 iyo $100,000 ay weli fursad u furan tahay.
Mashruucan oo loo qorsheeyay inuu maro dhawr marxaladood ilaa muddo 30 sano ah, ayaa heshiiskiisa waxaa kala saxiixday Puntland iyo Golaha Horumarinta Gaalkacyo (GDG). Waxaana ku bixi doonta ilaa $30 milyan oo doolarka Maraykanka ah, sida lagu soo bandhigay Qorshaha Jaangooyada Dhaqaalaha, Shaqa Abuurka iyo Dakhliga Mustaqbalka laga filayo.




