Mas’uul booqday duqa degmada Eyl oo toorey lagu dhaawacay.

22 June, 2025

Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada…

Duqa caasimadda Garoowe, Geeddi Axmed Tuurre ayaa saaka isbitaalka Carafaad ee Garoowe ku booqday guddoomiyaha degmada Eyl ee gobolka Nugaal Faysal Khaliif Wacays oo dhaawac ku soo gaarey, kadib markii toorey lagu weeraray.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Facebook ee degmada Garoowe ayaa lagu sheegay in duqa degmada Eyl dhaawac fudud ka soo gaarey qoorta, xilligaanna lagu dabiibayo mid kamid ah xarumaha caafimaadka Garoowe.

“Duqa Caasimadda Garoowe, Mudane Hon. Cabdulkadir Geedi, ayaa maanta booqasho ku tagay Isbitaalka Carafaad ee magaalada Garoowe, halkaas oo uu ku dabiibanyahay Guddoomiyaha Degmada Eyl, Mudane Faysal Khaliif, kaasi oo dhaawac fudud kasoo gaaray qeybta qoorta.”

“Maayir Geedi ayaa warbixin caafimaad ka dhageystay dhakhaatiirta la tacaalaya xaaladda guddoomiyaha, isaga oo uga mahadceliyay dedaalka iyo daryeelka ay u hayaan.Duqa Caasimadda ayaa booqashadiisa ku muujiyay dareen garab istaag iyo walaaltinimo, isaga oo sidoo kale Alle uga baryay in uu si dhaqso leh u bogsado Mudane Faysal Khaliif” ayuu Geeddi ku sheegay qoraalkaasi.